Wednesday, March 12, 2025

Artera oo wax laga weydiiyay soo laabashada Bukayo Saka

Maamulaha Arsenal Mikel Arteta ayaa wax laga weydiiyay soo laabashada Bukayo Saka iyadoo Gunners ay ku dhibtooneyso xulashooyinka  safka hore.

Saka ayaan u ciyaarin Gunners tan iyo markii uu muruqa   ka booday kulankii ay 5-1 kaga badiyeen Crystal Palace bishii December, waxaana jiray warar sheegaya in dib u dhac uu ku yimid xiddiga heerka caalami ee dalka England.

Si kastaba ha ahaatee, Arteta ayaa beeniyay wararkaas, kooxduna waxay rajaynaysaa Saka, oo ku biiray kooxda Arsenal ee xerada tababarka ku qaadanaysa  Dubai, uu awoodi doono inuu garoomada ku soo laabto bisha March.

“Dhaawac 10-maalmood ah, saddex maalmood ayaa aad u badan sababtoo ah waa 30 boqolkiiba, seddex bilood gudahood, usbuuca malaha sidaas uma badna, laakiin waa goor hore.”ayuu yiri.

“Wuxuu ku jiraa marxaladaha hore ee baxnaaninta. Marka aan u soo dhawaado wax yar oo uu bilaabo inuu sameeyo waxyaabo badan oo culus, waxaan arki doonaa meesha uu joogo.”

Mar la weydiiyey in Saka uu dib u dhac ku yimid, sida ku cad warbixin wargeysku qoray, Arteta wuxuu ku daray: “Maya, way fiican tahay.”

WARARKII KALE

Paul Merson oo u saadaaliyay Liverpool inay ku guuleysanayso Horyaalka Premier League

Xiddigii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa ku adkeystay...

Maresca Oo Shaaciyay Go’aanka Chelsea Ay Ku Dooneyso Weeraryahan Cusub

Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa sheegay in Blues aysan...

Amorim oo sheegay in Man United ay iska iibineyso Ciyaaryahano

Ruben Amorim ayaa xaqiijiyay in Manchester United ay u...

Real Madrid iyo Manchester City oo foodda is daraya kulamada bug baxa ee koobka horyaallada Yurub

Goor dhaweyd waxa lagu sameeyay magaalada Nyon ee dalka...

Weeraryahanka Darwin Nunez oo ku biiraya kooxda AC Milan

Darwin Núñez, weeraryahanka reer Uruguay ee Liverpool, ayaa laga...

Xulka 17-jirrada Soomaaliya oo guul taariikhi ah ka gaaray South Sudan

Xulka 17-jirrada Soomaaliya ayaa guul weyn ka gaaray tartanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles