Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa sheegay in Blues aysan qorsheynayn inay la saxiixato weeraryahan xor ah.
Maresca ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id kahor kulanka Premier League ee Chelsea ay la ciyaari doonto Brighton fiidnimada Jimcaha.
Chelsea waxaa lala xiriirinayay saxiixa weeraryahan cusub labadii suuq ee ugu dambeysay ee kala iibsiga ciyaartoyda.
Si kastaba ha ahaatee, Blues kuma guuleysan inay la soo wareegto weeraryahan, inkastoo lala xiriiriyay Victor Osimhen, Ivan Toney iyo Alexander Isak.
“Ma qorsheynayno inaan la saxiixano weeraryahan xor ah, waxaan la shaqeyn doonaa ciyaartoyda aan hayno,” ayuu yiri Maresca, sida laga soo xigtay Fabrizio Romano.
“Sidoo kale ma xannibaynno bixitaanka ama amaahda Deivid Washington, wadahadal ayaa socda,” ayuu raaciyay.
Kooxda Maresca ayaa haatan ku jirta kaalinta afaraad ee kala sarreynta Premier League, iyagoo leh 43 dhibcood 24 kulan oo ay ciyaareen.
Chelsea waxay u safreysaa Brighton iyagoo kulankii ugu dambeeyay ee Premier League garaacday West Ham 2-1 bishii hore.
Blues ayaa kulankii ugu dambeeyay ee FA Cup la ciyaartay Brighton, waxaana looga badiyay 2-1.