Friday, May 1, 2026

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Daah-Furay Mashruuca dhallinyarada iyo Nabadda

Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle Maxamed Xuseen Ceynte ayaa daah-furay mashruuca dhallinyarada iyo nabadda.

Mashruucu wuxuu dhallinyarada Jowhar ku xoojinayaa doorkooda nabadaynta, xallinta khilaafaadka, iyo maareynta kheyraadka dabiiciga ah sida dhulka iyo biyaha waxana iska kaashanayo Dowladda Soomaaliya, Hirshabeelle, IOM iyo FAO.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Hirshabeelle fursad-siinta dhallinyarada iyo sida ay maamulkiisa uga muuqdaan.

“Dhallinyarada waa awoodda Hirshabeelle waxana ay sabab u yihiin halganka, nabadda iyo horumarka.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay Wasiir Maxamed Barre u-qareemida dhallinyarada iyo soo gaaristiisa Hirshabeelle.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Cutubkii ugu horeeyey Ciidanka Masar oo ku soo wajahan Somalia

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in cutubkii ugu horreeyay...

Wasiiro, siyaasiyiin & Xildhibaano ku qulqulaya Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ay...

Iran oo xoojisay awoodeeda Milateri, lana soo baxday hub cusub

Warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera ayaa baahisay warbixin...

Soomaali Mindi ku weeraray dad Yuhuud ah oo dacwad lagu soo oogay

Ciise Suleiman ayaa lagu soo oogay dacwad isku day...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles