Thursday, November 13, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliyaha sare ee arrimaha difaaca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan in ay noqoto La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Difaaca ee Madaxweynaha.

Marwo Jihaan ayaa horey u soo noqotay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Amniga iyo Dib-u-habaynta Ciidamada ee Xafiiska Madaxweynaha tan iyo Agoosto 2023, iyadoo door muhiim ah ka qaadatay kala guurka Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) iyo hirgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Muddo 13 sano ah ayay si toos ah uga shaqeyneysay arrimaha difaaca, iyadoo door muuqda ku lahayd diyaarinta iyo horumarinta qorshaha amniga qaranka ee lasoo bandhigay sannadkii 2023. Sidoo kale, waxay kaalin ka qaadatay dib-u-habaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2020.

Sidoo kale, Lataliye Jihaan Cabdullaahi Xasan waxay soo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo Agaasime Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Sannadkii 2019-kii, taas oo muujineysa doorkeeda hoggaamineed iyo khibraddeeda sare ee dhanka difaaca iyo amniga qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Lataliyaha cusub ee Arrimaha Difaaca in ay ka shaqeyso dib-u-habaynta iyo horumarinta hay’adaha difaaca dalka.

WARARKII KALE

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo looga hadlay qodobo muhiim ah.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Farmaajo oo muddo seddex sano ah kadib dib ugu soo laabtay dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta...

MW Xasan Sheekh oo kormeer ku tagay safaarada Soomaaliya ee Aljeeriya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Wasiirka...

Kenya oo ku guuleysatay kursigii uu baneeyay Garsooraha Soomaaliyeed Cabdulqawi

Dowaldda Kenya ayaa ku guuleysatay loollan adag oo afar...

DFS oo qaaday talaabo lagu xalinayo colaadda ka taagan degmada Wanla-weyn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo...

50 qof oo ku geeriyooday xeebaha dalka Liibiya

Afartan iyo laba qof ayaa lagu soo waramayaa in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles