Wednesday, March 18, 2026

Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe

Warsaxaafadeed ka soo baxay Ciidanka xoogga  oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareykanka (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in la fuliyay hawlgal duqeyn ah oo daba joogay dagaalkii lagu jabiyay Khawaarijta ee ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Howlgalka duqeynta ah oo ka dhacay deegaanka Laba Garas ayaa ujeedkiisu ahaa burburinta dhagar qabayaal ka tirsan Khawaarijta oo qorsheynayay in ay dib u isku abaabulaan kadib jabkii ay kala kulmeen dagaalkii cashirka ay ugu dhigeen Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha deegaanka ee ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidanka Qalabka Sida iyo Saaxiibada AFRICOM ayaa ku hawlan xoojinta iskaashiga ciribtirka Khawaarijta iyo qiimeynta khasaaraha Khawaarijta ku gaaray hawlgaladii u dambeeyay oo marba marka ka dambeysa isa soo taraya, taas oo muujineysa in ay Khawaarijtu sii jabayaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Lafta gareen oo tagay Baydhabo xilli uu khilaaf kala dhexeeyo DFS

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada ka soo horjeeda Lafta gareen oo fariin adag u diray DFS

Xildhibaano ka tirsan BFS ee laga soo doortay deegaanada...

Koofur Galbeed oo xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu...

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laba maalmood ku xayirnaa badda oo la badbaadiyay

Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles