Thursday, July 31, 2025

Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada ee Maamulka Hirshabelle?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulkaasi.

Ugu horeyn Wasaaradda Amniga ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan halka uu marayo howlgalka dabar-goynta Khawaarijta waxana ay xuseen in guluf xooggan uu weli ka socdo Hirshabeelle kaas oo lagu naafeeyay Khawaarijta iyagoo lagu baacsanayo dhulka howdka ah.

Wasaaraddaha Gargaarka, Caafimaadka, Qorsheynta, Waxbarrashada, Maaliyadda iyo Gaadiidka ayaa soo bandhiggay saameynta dagaalka iyo qaabka ay ula tacaalayaan xaaladdaha soo kordhay.

Wasaaradda Cadaallada ayaa tilmaamtay maxaabiista dagaalka lagaga qabtay Khawaarijta in la marsiin doono hab-raaca sharci ee garsoorka.

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay inuu gabogabo marayo hirgelinta Raadiyaha Dowladda Hirshabeelle oo laga dhageysan doono labada gobal ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe kaas oo qeyb ka noqon doono wacyigelinta iyo baabi’inta fikirka xagjirka ah.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa kulanka Golaha Wasiirrada uga mahadcelisay guud ahaan Haweenka Hirshabeelle oo aagagga dagaalka gaarsiiyay cunto iyo agab kale oo dhiirogelin u ah Ciidamada Qalabka Sida iyo Xaq-u-dirirka deegaanka.

“Hirshabeelle waxa ay heegan ugu jirtaa oo waqtigeeda ugu badan gelineysaa howlgalka dabar-goynta Khawaarijta. Lama siyaasadeyn karo dhiigga muwaadinka naf-bixiyaha ah lagumana qarin karo been-abuur.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa amray in Golaha Wasiirrada ay iska xaadiriyaan furimaha dagaalka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles