Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Jiidaha Hore ee Dagaalka Ka Dhanka AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin AS.

Madaxweynuhu ayaa u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada iyo xoogagga shacbiga ah ee u istaagay xoreynta deegaannadooda, isagoo warbixinno ka dhegeysan doona talisyada iyo hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay cadowga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagi doona xaaladda nololeed ee deegaannada laga xoreeyey argagixisada muddadii la soo dhaafay, maadaama dowladdu ay dadaal badan ku bixisay gurmadka, adeegyada aasaasiga ah iyo daryeelka dadkeenna ku nool deegaannada la xoreeyey oo duruufo adag la noolaa inta ay ku jireen gacanta argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa baraarugga dhallinyarada Soomaaliyeed, haweenka, waxgaradka iyo culimada ee ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haysa dalkeenna, gaar ahaan taageerada halyeeyada Ciidamada Qaranka ee naftooda u huraya qarannimada iyo gobanida dalkeenna.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

RW Xamsa “Mustaqbalka Soomaaliya oo Barwaaqo ah waxaa uu ku jiraa Horumarinta dhaqaalaha Buluugga ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo...

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulamaya Madaxda dalka Tanzania

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,...

Puntland iyo saraakiisha Ciidamada Badda Midowga Yurub oo shir xasaasi ah ku yeeshay Boosaaso

Ciidanla Booliska dowladda Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles