Sunday, July 26, 2026

Ciidamada DF iyo rag hubeysan oo galbinayay Meydka Gen Sheegow oo isku rasaaseeyay Muqdisho

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii ay rasaas ku fureen Ciidamo Dowlada ka tirsan Dad Galbinaayay Meydka Jeneraal sheegow Axmed Cali.

Meydka Gen. Sheegoow ayaa maanta loo qaaday Magaaladda Jowhar, iyadoona salaada Janaasada lagula tukaday Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyeen sida ay wax u dhaceen.

Waxaa maanta lagu wadaa in lagu aaso duleedka magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Marxuumka ayaa salaadda Janaazada lagula dukaday isbitaalka Digfeer, waxaana ka qayb-galay Janaazada guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Liibaan Cali Yarow, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka oo beeshiisa ka soo jeedo.

Qaar kamid ah ehellada oo ka hadlay aaska marxuumka ayaa sheegay in maydkiisa la gayn doono Jowhar oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo, laguna aasi doono halkaasi.

Jeneraal Sheegow ayaa loo xiray iska horimaad Muqdisho ku dhex maray ciidan uu watay iyo ciidamada dowladda. Qabashadiisa kaddib, waxaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu ku jiray xabsiga ku yaalla Muqdisho.

WARARKII KALE

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

Xildhibaanada BF oo dood ka galay xiisadda-siyaasadeed ee Mudug

Dood adag ayaa ka dhalatay kooxda WhatsApp-ka ee ay...

DF oo baaq deg deg ah ka soo saartay dagaal beeleedka ka Socda Gobolka Sanaag

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo...

Trump oo Hakiyay Weerar Ballaaran oo lagu qaadi lahaa Iiraan

Warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil, KAN News, ayaa sheegtay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles