Monday, July 27, 2026

Soomaaliland oo go’aan culus ka soo saartay socdaalka RW Xamsa ee Laascaanood

War ka soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland ayaa lagu sheegay in faragelin ay tahay safarka RW Xamsa ee maanta uu ku tagay Magaalada Laascaanood, iyagoo xukuumadda madaxweyne Cirro ugu baaqay in la joojiyo wadahadala Somaliland iyo Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay soo jeediyeen in MW Ciro uu shir deg deg ah isugu yeeray labada gole ee maamulka, si looga arrinsado xaalada magaalada Laascaanood.

Go’aanada ka soo baxay golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa ka mid ah:-

 1- Golaha Wakiillada Somaliland wuxuu taageerayaa mawqifka xukuumadda JSL ka qaadatay imaatinka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Degmada Laas-caanood ee Gobolka Sool ee Somaliland oo faro-gelin qaawan ku ah madax bannaanida iyo qarannimada JSL, isla markaana wuxuu xukuumadda ugu baaqayaa in ay si degdeg ah ugu diyaargarawdo sugidda iyo ilaalinta xuduudaha qaranka ee ay u xil-saran tahay.

2. Golaha Wakiilladu wuxuu xukuumadda u soojeedinayaa in ay gebi ahaanba laasho isla markaana aanay qayb ka noqon wada-hadal danbe oo ay xukuumaddu la yeeelato maamulka soomaaliya.

3. Golaha wakiiilladu wuxuu madaxweynaha JSL Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u soo jeedinayaa in uu isugu yeedho golayaasha qaranka, xisbiyada siyaasadda iyo guud ahaan wax-garadka jamhuuriyadda Somaliland si talo midaysan looga yeesho isla markaana xal looga gaadho xaaladda Degmada Laas- caanood iyo imaatinka Ra’iisal Wasaaraha.

4. Sidaa awgeed waxay sidoo kale u caddaynaysaa in natiijo kasta oo ka dhalata safarka Ra’iisal Wasaaruhu liddi ku yahay amniga iyo xasillooonida mandaqadda ayna maas’uuliyadda wixii dhibaabo ah ka yimaaddao keligeed dawladda Muqdisho.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Yahuudda la dajiyay Daanta Galbeed ayaa gubay masaajidyo, gawaari iyo beero

Saraakiil Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in Yahuudda la deegaameeyayay...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen daroon lagu sameeyay Turkiga oo Sacuudigu isticmaalayay

Yahya Saree, oo ah afhayeenka xoogaga Xuutiyiinta Yemen, ayaa...

Iran iyo Maraykanka oo sheegay ‘in ay dib u bilaabayaan wadahadalada

Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo...

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles