Monday, July 27, 2026

Xasan Sheekh & Erdogan oo Ka Hadlay Amniga Iskaashiga Caalamiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan, inta lagu guda jiray Madasha Diblumaasiyadda Antalya.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog waraystay xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda uu leeyahay mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu wajahayo AS, isagoo ku ammaanay dowladda Turkiga kaalinta firfircoon ee ay ka qaadanayso nabadeynta iyo horumarinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Erdoğan ayaa adkeeyey in dowladda Turkigu ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska ciidamada, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo Fariin Culus u diray dalalka Ciidamada ka Jooga Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan...

Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka...

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya Kadib Wasiirro laga hor Istaagay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u...

Baarlamaanka WQB oo Dalbaday in Maxkamad la Horgeeyo Maxaabiistii lagu qabtay Dagaalkii Goojacadde

Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo saaray...

Iran oo hanjabaad u dirtay Ukraine

Ebrahim Azizi, madaxa Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan,...

Weerarada Xuutiyiinta oo saameyn ku yeeshay ganacsiga Maraakiibta

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in, sida ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles