Thursday, January 8, 2026

Ciidamada Ethiopia oo faragaliyay dagaal Beeleedka Luuq

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuna sugan gobolka Gedo ayaa si toos ah u faro-geliyay dagaal beeleedka degmada Luuq, kadib markii ay dowlad goboleedka Jubbaland ku wareejisay amniga guud ee degmadaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa door way ka qaatay sugidda amniga intii uu socday dadaalka nabadeed ee uu halkaas ka waday madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaga oo la wareegay amniga hoolka la’isugu keenay beelaha.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa haatan isku ballaariyay qaybo badan oo kamid ah degmada Luuq, si ay uga hortagaan dagaal mar kale ka dhaca gudaha degmadaasi.

Maxamuud Sayid Aadan oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada Itoobiya oo uu hoggaaminayay taliyaha qeybta sadexaad ee howlgalka ATMIS Besfat Fente iyo masuuliyiin kale oo katirsan howlgalka ATMIS ayaa kala hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada amniga, howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee lagu ciribtirayo Khawaariijta iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada ATMIS.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay Jubbaland kasoo saartay shirkaasi.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in guddi gaar ah loo xil-saarayo soo qiimeynta hantidii lagu gubay Suuqa Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ayada oo uu guddigaas diyaariyo qorshaha lagu gacan-qabanayo Dadkaas.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamadii ugu badnaa oo maanta Tababar loogu soo xiray Muqidsho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha...

Wasiirka arrimaha dibada Shiinaha oo ku soo wajahan Muqidsho

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, Wang Yi, ayaa...

Banaanbax looga soo horjeedo Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb gelaya qaybaha kala duwan...

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Abul-Qeyd, ayaa...

Booliska Soomaaliya oo war ka soo saartay shaqaaqadii ka dhacday Deyniile

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles