Ciidamada Ethiopia oo faragaliyay dagaal Beeleedka Luuq

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuna sugan gobolka Gedo ayaa si toos ah u faro-geliyay dagaal beeleedka degmada Luuq, kadib markii ay dowlad goboleedka Jubbaland ku wareejisay amniga guud ee degmadaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa door way ka qaatay sugidda amniga intii uu socday dadaalka nabadeed ee uu halkaas ka waday madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaga oo la wareegay amniga hoolka la’isugu keenay beelaha.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa haatan isku ballaariyay qaybo badan oo kamid ah degmada Luuq, si ay uga hortagaan dagaal mar kale ka dhaca gudaha degmadaasi.

Maxamuud Sayid Aadan oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada Itoobiya oo uu hoggaaminayay taliyaha qeybta sadexaad ee howlgalka ATMIS Besfat Fente iyo masuuliyiin kale oo katirsan howlgalka ATMIS ayaa kala hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada amniga, howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee lagu ciribtirayo Khawaariijta iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada ATMIS.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay Jubbaland kasoo saartay shirkaasi.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in guddi gaar ah loo xil-saarayo soo qiimeynta hantidii lagu gubay Suuqa Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ayada oo uu guddigaas diyaariyo qorshaha lagu gacan-qabanayo Dadkaas.

 

WARARKII KALE

Puntland oo la wareegaysa Hubka iyo Gaadiidka dagaal ee Aan Oggolaansho lahayn

Maamulka Puntland ayaa soo saaray go’aan cusub oo lagu...

Mareykanka iyo Iraan oo is-weydaarsaday duqeymo

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu soo...

Duqeyn Culus oo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo

Duqeyn dhanka cirka ah ayaa xalay laga fuliyey deegaanka...

Israa’iil oo gacanta ku dhigtay hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas kaddib hawlgal ka dhacay Gaza

Israa’iil ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay hoggaamiye sare...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles