Maxa Looga Hadlay Kulanka Golaha Aqalka Sare?

Waxaa maanta lagu wadaa in uu ka qabsoomo kulanka guud ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS), kaas oo lagu qabanayo Xarunta Aqalka Sare, waxaana senatorada lagu wargelinayay in ay maanta yimaadaan kulanka.

Kulankan ayaa ah mid muhiimad weyn u leh hannaanka sharci dejinta dalka, waxaana diiradda lagu saarayaa akhrinta labaad ee dhowr hindise-sharciyeed oo muhiim u ah maamulka maaliyadda iyo la-dagaallanka dambiyada dhaqaale.

Ajandaha kulanka ayaa waxaa ka mid ah:-

1. Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adaha Maaliyadda, kaas oo lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo kor u qaadidda hufnaanta hey’adaha maaliyadeed.

2. Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Canshuurta Dakhliga, si kor loogu qaado dakhliga gudaha loona hagaajiyo nidaamka canshuur ururinta.

3. Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Shirkadaha Caymiska, taas oo sal u ah xeerar lagu nidaaminayo shirkadaha caymiska dalka.

4. Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Lacag Dhaqista iyo Maalgelinta Argagixisada, si loo adkeeyo la-dagaallanka lacagaha sharci darrada ah iyo maalgelinta argagixisada.

5. Qodobo kale

Kulankan ayaa lagu wadaa in lagu dhiso xisaabtan iyo isla xisaabtan, islamarkaana uu hormuud u noqdo dib-u-habeynta sharciyada la xiriira dhaqaalaha iyo ammaanka dalka.

Golaha Aqalka Sare ayaa door muhiim ah ka qaadanaya xoojinta sharciga iyo dabagalka fulinta siyaasadaha dowladda, iyadoo fadhiyadooda noocan ah lagu go’aamiyo arrimo saameyn weyn ku leh mustaqbalka dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles