Friday, April 17, 2026

Mareykanka oo duqeyay deegaanno Xuutiyiinta Yemen iyo faahfaahin ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo Axadii shalay ka dhacday caasimadda Sanca, sida uu sheegay TV-ga Al Masirah ee xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta Yemen. Dhinaca kale, Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay inay duqeeyeen boqollaal bartilmaameedyo Xuuthiyiinta tan iyo bartamihii bishii Maarso.

Telefishinka Al Masirah ayaa sheegay in duqeynta ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Thaqban ee degmada Bani Al Xaarith ee waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Sanca uu sababay dhimashada 8-ruux oo ay ku jiraan caruur iyo haween iyo tiro dhaawac ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in duqeyntaasi lala beegsaday saddex guri oo ku yaalla deegaankaasi.

Kanaalka ayaa baahiyey muuqaalo muujinaya burburka guryaha iyo baabuurta burburay, iyo dhiig dhulka ka muuqanaya , iyadoo samatabixiyaashu ay ururinayeen wax u muuqday haraaga bani’aadam oo ku jira maro cad. Telefishinka oo soo xiganaya wariyahooda ayaa leh, “Waxaa jira haraaga jirka haween iyo caruur” goobta yaalla.

Horay kooxda Xuuthiyiinta ayaa u sheegtay in qeybo kale oo ka mid ah dalka ay ka dhaceen duqeymo uu Mareykanka ka fuliyay, gaar ahaan Sacda iyo gobolka Amran ee waqooyiga dalkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka difaaca Israa’iil oo ugu hanjabay Iran weeraro ‘kasii xanuun badan’ kuwii hore

Wasiirka gaashaandhiga Israa'iil Israel Katz ayaa uga digay Iran...

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, oo ah dhexdhexaadiyaha ugu...

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbooyinka

Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Ciidamada...

DFS oo ka hortimid safiirka ay Israel u magacowday Somaliland

Dowladda Israa’iil ayaa qaaday tallaabo cusub oo sii hurisay...

Israa’iil oo safiir cusub u magacowday Soomaaliland

Israa’iil ayaa safiirkii ugu horreeyay u magacowday maamulka gooni-goosadka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles