Wednesday, June 3, 2026

Xuutiyiinta oo weeraray markab ku soo jeeday Somalia

Xuutiyiinta ayaa weerarray markab laga leeyahay  Singapore, oo la sheegay inuu ku soo jeeday Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan mas’uuliyiinta Singapore iyo Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee UK.

Xuutiyiinta ayaa ku andacooday inuu markabkan ku xad-gudbay xayiraada ay saareen dekedaha Israa’iil, iyagoo sheegay iney ku weerareen daroon drones ah nooca isqarxiya

Markabka MV Lobivia oo uu maamsho shirkadda Asiatic Lloyd ee dalka Singapore, ayaa ka furtay Jabuuti 16-kii Luulyo, waxaa lagu weeraray meel qiyaastii 83 mayl-badeed koonfur-bari ka xigta magaalada Cadan ee dalka Yemen

Weerarka ayaa la sheegay inuu dhaliyay dab qabsaday markabka oo markii dambe ay ku guuleysteen shaqaalaha la socday inay damiyaan,

Markabka ayaa safarkiisa sii watay, waxaana qiimeynta khasaaraha ka soo gaaray weerarka la sheegay in la soo bandhigi doono dekedaha Soomaaliya ee uu ku socdo marka uu ku xirto

Xuutiyiintu waxay sheegeen in weerarrada ay ku hayaan maraakiibta ku safraya dekedaha Israa’iil ay jawaab toos ah u tahay ficillada Israa’iil ee Gaza. Xuutiyiintu waxay ujeedadoodu tahay in ay abuuraan caqabado dhaqaale iyo saadka ee Israa’iil iyaga oo carqaladaynaya waddooyinka ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa badda

WARARKII KALE

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo war kasoo saaray dagaalkii ka dhacay degmada Howl-wadaag

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray dagaalkii...

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goobo cayiman u asteeyay banaanbaxa mucaaradka, halka ay mucaaradku diideen

Maamulka ayaa sheegay in ay mucaaradka u asteeyeen goobo...

Waan-waan Siyaasadeed oo ka Bilaabatay Muqdisho

Waxaa socda dadaallo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee u...

Ruto”Ammaanka Soomaaliya iyo Siyaasadda Dalka ayaa Hortaagan Furista Xadka”

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in xadka...

Mucaaradka iyo Dowladda oo Abaabul Ciidan ka wada Muqdisho iyo xiisad hor leh

Muqdisho ayaa gashay jawi siyaasadeed oo aad u kacsan,...

Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay Hirshabelle

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles