Sandra Hemme waxay ahayd 20 jir markii lagu helay danbi ah inay toori ku dishayPatricia Jeschke bishii Novembar 1980. Waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.
Ma jirin wax caddayn ah oo la xiriira dambiga aan ka ahayn qirasho ay ku bixisay markii dawooyin suuxdin ah lagu siiyay cisbitaalka dhimirka, iyadoo lagu ogaaday dib u eegis lagu sameeyay kiiskeeda.
Hadda oo 64 jir ay tahay Sandra, waxaa la rumaysan yahay in ay tahay haweeneydii ugu jirtey xabsi dambi aysan gelin taariikhda dalka Maraykanka.
Dib u eegista ayaa lagu ogaaday in booliiska ay iska indhatireen cadeymaha si toos ah farta ugu fiiqay mid ka mid ah saraakiishooda – Michael Holman – oo markii dambe xabsiga u galay dambi kale oo uu ku dhintay 2015-kii.
Dib u eegista garsoore Horsman ayaa xustay in aysan jirin wax cadeyn ah oo Ms Hemme la xiriirinaya dilka. Ma aysan lahayn wax sabab ah mana jirin marqaatiyo la xiriirinaya dambiga.
Sandra Hemme ayaa ugu dambeyntii xabsiga ka baxday Jimcihii, waxaana la sheegay inay la noolaan doonto walaasheed.