Aadan Madoobe oo la isku raacay inuu xisbiga JSP u tartamo xilka madaxtinimada KGS

Kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu gaaray go’aan muhiim ah oo lagu taageerayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), si uu ugu tartamo xilka Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay in Xuseen Sheekh Maxamuud loo dalacsiiyo xilka Xoghayaha Guud ee xisbiga JSP, tallaabadaas oo loo arko mid ka tarjumeysa kaalintiisa sii kordheysa ee siyaasadda gudaha, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Go’aamadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo loollanka siyaasadeed iyo diyaar garowga doorashooyinka, taasoo sare u qaadday dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Koonfur Galbeed iyo xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa la filayaa inuu u safro magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaas oo ay ka socoto abaabul siyaasadeed oo la xiriira doorashada.

Wararka ayaa tilmaamaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay doonayso inay ku abaalmariso Aadan Madoobe doorkii uu ku lahaa wax ka beddelkii Dastuurka, taasoo qayb ka ah qorshaha lagu taageerayo.

Si kastaba, qorshahan ayaa la sheegay inuu caqabad hor leh ku noqon karo doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo, maadaama ay jiraan siyaasiyiin badan oo aan ku qanacsaneyn habka ay wax u socdaan.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay soo baxaan falcelinno iyo isbeddello cusub oo saameyn ku yeelan kara jihada doorashada Koonfur Galbeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee Galmudug

Qoraal lagu baahiyey barta Faceboog ee Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles