Monday, April 6, 2026

Abiy Axmed oo Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, ayaa saaka garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxdan ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Gerad Wilwaal, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay, waxaana wehliyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa magaalada Jigjiga u yimid ka qaybgalka xafladda xarig-jarka mashruuca dalxiiska “Shabeelleey”, oo ah mashruuc ay hirgelisay Dowlad Deegaanka Soomaalida, kaas oo lagu horumarinayo dalxiiska iyo bilicda magaalada.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato kobcinta dhaqaalaha deegaanka, kor u qaadista dalxiiska, iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.

Imaanshaha madaxdan sare iyo ka qaybgalka xafladdan ayaa muujinaya iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga, iyo xiriirka siyaasadeed.

Waxaa la filayaa in inta ay ku sugan yihiin Jigjiga ay madaxdu yeeshaan kulamo gaar ah oo ay kaga wada hadli doonaan arrimo khuseeya iskaashiga gobolka, xasilloonida, iyo horumarinta dhaqaalaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la Qaatay Gogaanka Guud Ee Dhaqanka Koofur galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Lafta gareen

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah...

Olole iyo kulamo siyaasadeed oo xoogan oo ka socda Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa haatan noqotay...

Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo qeylo dhaan u diray Beesha Caalamka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles