Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho

Wafuud horudhac u ah madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta la filayaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo hordhac u ah booqashada la filayo inay ku yimaadaan caasimadda.

Wafuuddan ayaa la filayaa inay gogol xaar u sameeyaan safarka iyo kulamada ay Muqdisho ku yeelan doonaan madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo la xiriira arrimo siyaasadeed.

Sidoo kale, wafuudda ayaa kulamo la qaadan doona masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo sii ambaqaado wadahadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo xoojinta midnimada dalka.

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa berri ka dhici doono magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu yahay mid xasaasi ah.

Sidoo kale waxaa Muqdisho soo gaaraya Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyagu ku maqan dalka dibadiisa.

Dood adag ayaa Muqdisho waxaa ay ku dhexmari doontaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Deni, Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka.

Imaanshaha wafuuddan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro is-faham darro iyo kala aragti duwanaansho u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, taas oo ka dhigeysa mid si weyn isha loogu hayo natiijada kulamada ka dhici doono Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Shiinaha oo si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray saraakiil Maraykan ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay madaxa shirkadda...

Ururka Towfiiq oo soo saaray mowqifkooda ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug

Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb...

Ciidamada Koofur Galbeed oo gacanta ku dhigay ninkii dilay Jamaal oo ahaa wiil dhalinyaro ah

Ciidamada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay...

Ciidamada Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab,...

Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles