Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdixakiin Luqmaan Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Iidow iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Jaamac Cali Maxamuud oo caawa loo doortay hoggaanka cusub ee Golaha Wakiillada Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa Guddoonka cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay ku mutaysteen hanashada mas’uuliyadaha loo doortay, isaga oo u rajeeyay in ay si hufan oo xilkasnimo leh u gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, kana shaqeeyaan horumarinta dowladnimada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo dardargelinta howlaha Golaha Wakiillada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, ilaalinta midnimada bulshada iyo xoojinta nabadda iyo horumarka Hirshabeelle, taasi oo qayb muhiim ah ka ah dadaallada guud ee shacabka looga dhoweynayo adeegyada dowladnimada iyo in ay si xor ah u doortaan hoggaamiyaashooda


