Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha guud ee ciidamada milatariga dalkaas, Eyal Zamir, uu kulan gaar ah oo dhowaan dhacay ku sheegay inuusan hadda arkin baahi hawlgal oo loo qabo in Iiraan la weeraro ka hor doorashooyinka baarlamaanka Israa’iil ee toddobaadka soo socda.
Sida warbixintu sheegtay, Zamir ayaa kulanka ka yiri: “Ma aragno wax calaamado ah oo muujinaya in loo baahan yahay in Iiraan la weeraro ka hor doorashada,haddii aan go’aansanno in weerar lagu qaado Iiraan uu lagama maarmaan yahay, waan fulin doonnaa.”
Dhanka kale, dhaleeceeyayaasha Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa hore ugu eedeeyay inuu doonayo inuu dib u bilaabo dagaalka Iiraan, si uu saameyn ugu yeesho doorashada ama dib ugu dhigo.
Yair Lapid, ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka dhexe ee baarlamaanka dalkaas, ayaa Arbacadii Netanyahu ku eedeeyay inuu si khatar ah siyaasadda ugu dhex darayo amniga qaranka, xilli doorashadu soo dhowdahay.
“Runtii aad ayaan ula yaabay inaan maqlo Netanyahu oo si taxaddar la’aan ah uga hadlaya khataraha amniga,” ayuu yiri Lapid.


