Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Jimco ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in beesha caalamku ay qorsheynayso wada-hadallo siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallada la qorsheynayo in la qabto 4-ta Nofeembar ay dhex mari doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland.
Kulamadan ayaa la filayaa inay diiradda saaraan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, gaar ahaan muranka ku saabsan dastuurka, hannaanka doorashooyinka 2027 iyo sidii heshiis siyaasadeed looga gaari lahaa qaabka dalka doorashooyinka uga dhacayaan.
Soo laabashada Farmaajo ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaysa xilli ay mucaaradku cadaadis ku saarayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu wada-hadal dhab ah la yeesho dhinacyada ka aragti duwan qorshaha doorashooyinka dowladda. Mucaaradka ayaa hore u muujiyey walaac ku saabsan suuragalnimada in dalka loo jiheeyo doorasho aan heshiis guud laga gaarin.


