Wednesday, April 1, 2026

AFRICOM oo ka hadashay duqeyn ka dhacday G/Bari iyo xubno ka tirsan Daacish oo la dilay

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn uu dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen deegaano dhaca Koonfur Bari Boosaaso ee gobolka Bari.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu fuliyay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, taasoo dhacday 1-dii bishaan April oo ku beegneyd Talaadadii lasoo dhaafay.

Taliska ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku xusay in duqeynta lagu dilay xubno badan oo ka tirsana kooxda daacish, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo duqeynta kasoo gaaray dad rayid ah.

Duqeyntan waxay ahayd is-difaac oo lagu taageerayo ciidamada Soomaaliyeed, si looga hortago khataraha ay ISIS-Somalia ku hayso gobolka iyo danaha Mareykanka,Waxaan sii wadi doonnaa iskaashi buuxa oo aan la leenahay Dowladda Federaalka si loo baabi’iyo kooxahan xagjirka ah ee khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed,” ayuu lagu yiri qoraalka.

Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish, isaga oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya si looga hortago khatarta amni ee  kooxdu ku leedahay Soomaaliya.

Puntland ayaa dhankeeda sheegtay in duqeyn iyo dagaal ka dhacay Gobolka Bari lagu dilay Maleeshiyaad badan oo ka tirsan Daacish, kuwaasi oo gaaraya 50 xubnood.

Diyaaradaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka qeyb qaadanaya howlgal ka socda Buuraleyda Cali-Miskaad ee gobolka Bari.

Kooxda Daacish ayaa waxaa ay saaxadda caalamka soo gashay sanadkii 2010-kii, iyadoo ka soo baxday Ciraaq iyo Suuriya.

Garabka Daacish ee Soomaaliya waxaa sanadkii 2015-kii sameeyay koox ka soo go’day al-shabaab oo ah kooxda ugu weyn Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo & wafdi uu hagaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku wajahan Baydhabo

Wefdi uu hoggaaminayo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Guddoomiyaha...

RW Xamsa oo sheegay in DFS ay la wareegtay amniga Baydhabo

Ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xalay ka...

Iiraan oo weerartay Markab shidaal sida oo laga leeyahay Kuwayd

Dowladda Kuwayd ayaa sheegtay in Iiraan ay beegsatay mid...

Ciidamo Israa’iiliyiin ah oo lagu dilay Lubnaan

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in afar askari la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles