Iiraan oo weerartay Markab shidaal sida oo laga leeyahay Kuwayd

Dowladda Kuwayd ayaa sheegtay in Iiraan ay beegsatay mid ka mid ah maraakiibteeda waaweyn ee shidaalka qaada, kaas oo ku xirtay deked ku taalla Dubai.

Shirkadda Kuwad Petroleum Corporation ayaa ku tilmaantay dhacdadan “duqeyn cirka ah oo naxariis darro ah oo ay fulisay Iiraan,” waxayna sheegtay in markabka waxyeello soo gaartay balse aysan jirin wax khasaare nafeed ah.

Markabka shidaalka qaada ee la yiraahdo “Al-Salmi” ayaa si buuxda ugu rarnaa saliid xilliga weerarka, taasoo sababtay inuu isla markiiba dab qabsado kadib weerarka.

Mas’uuliyiinta Dubai ayaa sheegay in weerarka ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn dabkana la xakameeyay saacado yar kadib.

Waxaa la sheegay in dhammaan 24-kii shaqaale ee saarnaa markabka ay ka badbaadeen weerarka.

Kuwayd ayaa markii hore ka digtay suurtagalnimada daadashada shidaalka kadib weerarka, balse sida ay sheegtay hay’adda UK ee Maritime Monitor, “wax saameyn deegaan lama soo sheegin.”

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisay in markabka Al-Salmi uu waday laba milyan oo foosto oo saliid ah oo ka timid Kuwayd iyo Sacuudi Carabiya, iyadoo soo xiganaysa xog laga qolyahay la socodka maraakiibta shidaalka.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles