Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan xubnaha Golaha Mustaqbalka, isaga oo ku eedeeyay inay hadallo aan munaasab ahayn ka sheegayaan wada-hadallada siyaasadeed ee dalka.
Fiqi ayaa sheegay in mucaaradka oo uu ku tilmaamay kuwo aan lahayn ajende siyaasadeed ay hadda dalbanayaan in gogosha wada-hadalka lagu soo daro Axmed Diiriye Abu Cubayda, hoggaamiyaha Al-Shabaab, iyo Cabdulqaadir Muumin oo hoggaamiya Daacish.
Wasiirka ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay hore u buunbuuniyeen awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana ay hadallo uu ku tilmaamay taageero u eg u muujiyeen kooxda, isagoo dhaliilay mowqifkooda ku aaddan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale, Axmed Macallin Fiqi ayaa Golaha Mustaqbalka ku tilmaamay koox uu sheegay inay dalka u horseedayaan khataro kaga imaanaya cadow shisheeye iyo kooxaha argagixisada.
Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo la isku hayo shuruudaha iyo ajendaha gogosha wada-hadalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay.
Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka
NAGU SOO BIIR


