AFRICOM oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday Ceelbaraf

War qoraal ah oo  kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa (AFRICOM) ayaa waxaa lagu faah faahiyey duqeyn ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha dhexe.

Waxaa lagu sheegay qoraalkan, in iyaga oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka, ay duqeymo la beegsadeen Xarumo ay Al-shabaab ku leeyihiin degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelada Dhexe,

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntay ku burburiyeen gaadiid, iyo xubno badan ay ku dileen duqeynta, inkastoo aysan sheegin tirade rasmiga ah.

Waxaa kale oo sheegeen in aysan wax rayid ah oo khasaaro ka soo gaaray duqeynta.

Taliska AFricom  ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay soo qorsheeyeen, islamarkaana ay ku xoojin doonaan howlgallada sidan oo kale ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay wehliyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa sii wada tallaabooyinka hoos loogu dhigayo awoodda Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada halista ku ah Mareykanka, ciidamadeena iyo shacabkeenna dibadda.

Dowladda Soomaaliya aya kal hore sheegtay in duqeyn la beegsadeen maleeshiyaad Al-shabaab oo diyaarinayay qaraxyo .

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo Raadarro geeynaya Soomaaliya iyo Al-shabaab oo loo Tababarayo Dagaalka Casriga ah

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Puntland oo la wareegaysa Hubka iyo Gaadiidka dagaal ee Aan Oggolaansho lahayn

Maamulka Puntland ayaa soo saaray go’aan cusub oo lagu...

Mareykanka iyo Iraan oo is-weydaarsaday duqeymo

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu soo...

Duqeyn Culus oo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo

Duqeyn dhanka cirka ah ayaa xalay laga fuliyey deegaanka...

Israa’iil oo gacanta ku dhigtay hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas kaddib hawlgal ka dhacay Gaza

Israa’iil ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay hoggaamiye sare...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles