Thursday, January 8, 2026

AFRICOM oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday Ceelbaraf

War qoraal ah oo  kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa (AFRICOM) ayaa waxaa lagu faah faahiyey duqeyn ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha dhexe.

Waxaa lagu sheegay qoraalkan, in iyaga oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka, ay duqeymo la beegsadeen Xarumo ay Al-shabaab ku leeyihiin degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelada Dhexe,

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntay ku burburiyeen gaadiid, iyo xubno badan ay ku dileen duqeynta, inkastoo aysan sheegin tirade rasmiga ah.

Waxaa kale oo sheegeen in aysan wax rayid ah oo khasaaro ka soo gaaray duqeynta.

Taliska AFricom  ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay soo qorsheeyeen, islamarkaana ay ku xoojin doonaan howlgallada sidan oo kale ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay wehliyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa sii wada tallaabooyinka hoos loogu dhigayo awoodda Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada halista ku ah Mareykanka, ciidamadeena iyo shacabkeenna dibadda.

Dowladda Soomaaliya aya kal hore sheegtay in duqeyn la beegsadeen maleeshiyaad Al-shabaab oo diyaarinayay qaraxyo .

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamadii ugu badnaa oo maanta Tababar loogu soo xiray Muqidsho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha...

Wasiirka arrimaha dibada Shiinaha oo ku soo wajahan Muqidsho

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, Wang Yi, ayaa...

Banaanbax looga soo horjeedo Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb gelaya qaybaha kala duwan...

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Abul-Qeyd, ayaa...

Booliska Soomaaliya oo war ka soo saartay shaqaaqadii ka dhacday Deyniile

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles