Al-shabaab oo weerar ku qaaday ciidamada Kenya ee ku sugan Lamu

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa dagaal la galay dagaalameyaal ka tirsan Al Shabab oo weeraray saldhig booliis oo ku yaala Magaalada Lamu ee dalka Kenya.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku waramaysa in weerarka uu ka dhacay degaanka Lamu ee gobolka xeebta, islamarkaana laga hortagay kooxda weerarka ku qaaday halkaasi.

Telefishinka NTV ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Kenya heegan Buuxa la geliyay, si ay ugu hortagaan weeraro ka yimaada kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Kenya weli wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo weerarka tooska ah oo mas’uuliyadooda ay sheegteen Ururka Al-Shabaab.

Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa waxa horay dhowr jeer weerar ugu qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles