Thursday, March 5, 2026

Al-Zubaidi oo la ogaaday inuu isku maray Berbera, Muqdisho, una gudbay Abu Dhabi

Telefishinnada Al-Jazeera iyo Al-Carabiya ayaa weriyay in Isbahaysiga Sacuudiga hoggaamiyo ee Yemen uu sheegay in hoggaamiyaha Golaha Ku-meelgaarka Koonfureed (STC), Caydaruus Al-Zubaidi, uu u baxsaday Imaaraadka Carabta isaga oo sii maray Somaliland.

Isbahaysiga ayaa sheegay in Al-Zubaidi uu habeen madow kaga baxay magaalada Cadan, isagoo markab ku gaaray dekedda Berbera ee Somaliland.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Al-Zubaidi uu Berbera ka raacay diyaarad nooca xamuulka iyo ciidanka qaadda ah oo lagu magacaabo Ilyushin.

Safarka diyaaradda ayaa si dhow u kormeerayay saraakiil ka socday Dowladda Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay Isbahaysiga Sacuudiga.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay sii martay magaalada Muqdisho, ka hor inta aysan u gudbin Abu Dhabi.

Isbahaysiga ayaa sheegay in diyaaradda ay dansatay qalabkeedii aqoonsiga marka ay dul mareysay Gacanka Cumaan, kadibna ay dib u shidday wax yar ka hor inta aysan degin.

Ugu dambeyn, diyaaradda ayaa ka degtay Gegida Diyaaradaha Milatariga ee Al-Reef ee magaalada Abu Dhabi.

Ilaa iyo hadda, Golaha STC iyo Dowladda Imaaraadka Carabta kama aysan hadlin warkan, iyadoo la tilmaamay in arrintan ay sii hurin karto khilaafka u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey wax-ka-beddelka Dastuurka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyey...

Puntland oo DFS ku eedeysay weerar iyo afduub ay u geysteen xildhibaanada

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku...

Wasiiro ka tirsan DFS oo iscasilay, maxay tahay sababta?

Wasiiru-dowlihii shaqada & arrimaha bulshada xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen...

Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay lataliyaha arrimaha bulshada ee Deni

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen...

Sacudi Carabiya oo qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay laba...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles