Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Dowladda Soomaaliya kaddib eedeymo musuq iyo xatooyo gargaar

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay inay hakisay dhammaan gargaarkii iyo mucaawinadii ay siin jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii eedeymo culus loo jeediyay masuuliyiin ka tirsan dowladda oo la xiriira xatooyo iyo leexsiga gargaar bani’aadannimo.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Bani’aadannimada ayaa lagu sheegay in Mareykanku ka walaacsan yahay warar muujinaya in bakhaar ay lahayd Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) oo Mareykanku maalgelinayay la burburiyay, isla markaana si sharci-darro ah loo qaatay 76 tan oo raashin gargaar ah oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee danyarta ah.

Inkasta oo qoraalka Mareykanku uusan si cad u sheegin goobta ay arrintani ka dhacday iyo cidda si toos ah uga dambeysay, haddana waxaa si cad loogu eedeeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo DFS looga dalbaday inay si degdeg ah tallaabo uga qaaddo arrintan, isla markaana ay hirgeliso isla xisaabtan dhab ah.

“Dowladda Mareykanka, gaar ahaan Maamulka Madaxweyne Trump, uma dulqaadan doono xatooyo, wax is-daba marin iyo leexsiga cuntada loogu talagalay dadka tabaaleysan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in dib loo bilaabi doono gargaarka oo keliya marka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaddo tallaabooyin cad-cad, ay mas’uul ka noqoto falalka lagu eedeeyay, isla markaana ay xaqiijiso in gargaarka bani’aadannimo uu si toos ah u gaaro dadka u baahan.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay Soomaaliya wajahayo xaalad bani’aadannimo oo adag, oo ay ka mid yihiin abaaro daba-dheer, barakac ballaaran iyo cunto yari saameysay malaayiin qof.

Ilaa hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan eedeymahan iyo go’aanka Mareykanka ee hakinta gargaarka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles