Wednesday, March 12, 2025

Amorim oo sheegay in Man United ay iska iibineyso Ciyaaryahano

Ruben Amorim ayaa xaqiijiyay in Manchester United ay u baahan doonto inay iibiso dhowr ciyaaryahan oo kooxda koowaad ah si ay u hesho saxiixyo cusub xagaagan.

Red Devils ayaa haatan ku jirta kaalinta 13-aad ee kala saraynta horyaalka  Premier League, waxana la saadaaliyay in ay la soo saxiixan karaan xiddigo magac weyn leh inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Labada ciyaaryahan ee Sporting CP Geovany Quenda iyo Viktor Gyokeres ayaa si aad ah loola xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan Old Trafford dabayaaqada sanadkan, halka Amorim la filayo inuu kooxda keeno ciyaaryahan dhexe oo cusub, iyadoo mustaqbalka Casemiro iyo Christian Eriksen aan la hubin.

Si kastaba ha ahaatee, maamulaha Man Utd ayaa qirtay in kooxdiisu aysan awoodi doonin inay keento saxiixyo cusub haddii aan la iibin kuwa jooga qaar xagaagan.

Kahor kulanka Red Devils’ Premier League ee ay la ciyaarayaan Tottenham Hotspur Axada, Amorim ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Halkan way fududahay inaan sameyno saxiix, laakiin waa inaan anaga wax iibino.

Man United ayaa suuqii January la saxiixatay kaliya laba wiil oo dhalinyaro ah, waxaana la rajeynayaa in saxiixyo waaweyn oo magac leh sameeyaan xagaaga.

WARARKII KALE

Paul Merson oo u saadaaliyay Liverpool inay ku guuleysanayso Horyaalka Premier League

Xiddigii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa ku adkeystay...

Maresca Oo Shaaciyay Go’aanka Chelsea Ay Ku Dooneyso Weeraryahan Cusub

Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa sheegay in Blues aysan...

Artera oo wax laga weydiiyay soo laabashada Bukayo Saka

Maamulaha Arsenal Mikel Arteta ayaa wax laga weydiiyay soo...

Real Madrid iyo Manchester City oo foodda is daraya kulamada bug baxa ee koobka horyaallada Yurub

Goor dhaweyd waxa lagu sameeyay magaalada Nyon ee dalka...

Weeraryahanka Darwin Nunez oo ku biiraya kooxda AC Milan

Darwin Núñez, weeraryahanka reer Uruguay ee Liverpool, ayaa laga...

Xulka 17-jirrada Soomaaliya oo guul taariikhi ah ka gaaray South Sudan

Xulka 17-jirrada Soomaaliya ayaa guul weyn ka gaaray tartanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles