Daa’ud Aweys “Taageerada Turkiga waxay xoojisay dagaalka Al-Shabaab”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in kordhinta taageerada milatari ee Turkigu siiso Soomaaliya ay si muuqata uga caawisay horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka oo wareysi siiyay wargeyska Turkiga ee Cumhuriyet kadib barnaamij lagu qabtay xarunta isgaarsiinta madaxtooyada Turkiga, ayaa xusay in ciidamada qaranka Soomaaliya ay guulo ka gaareen furimaha dagaalka, islamarkaana deegaanno badan laga saaray kooxda.

Wuxuu sheegay in iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu muddo dheer socday, isla markaana gurmadka cusub uu qeyb ka yahay dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, balse uusan xiriir toos ah la lahayn arrimaha la xiriira aqoonsiga Somaliland. Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay madaxweynaha Turkiga caddeynta uu ka bixiyay midnimada Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay in markabka sahanka shidaalka ee Turkigu u diray xeebaha Soomaaliya uu noqon karo mid wax weyn ka beddela mustaqbalka dalka.

Wuxuu tilmaamay in helitaanka shidaal uu Soomaaliya ka dhigi karo dal soo saara tamarta, taasoo xoojin karta dhaqaalaha isla markaana kaalin ka qaadan karta xasilloonida gobolka.

Wasiirka ayaa wuxuu ammaanay xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga, isaga oo xusay booqashadii Recep Tayyip Erdoğan ee 2011 inay furtay waddo cusub oo iskaashi iyo horumar ah, taas oo sare u qaaday sumcadda iyo kalsoonida Soomaaliya ee caalamka.

Taageerada Turkiga ayaa qayb ka ah iskaashi ballaaran oo dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo tamarta u dhexeeya labada dal

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles