Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa inuu hortago Baarlamaanka Puntland, halkaas oo uu khudbad kaga jeedin doono xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Deni ayaa la filayaa inuu ka hadlo muranka siyaasadeed ee la xiriira dastuurka, hannaanka doorashooyinka dalka iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan mowqifka Puntland ee ku aaddan qorshaha doorashooyinka qof iyo codka ah.
Waxaa sidoo kale isha lagu hayaa tallaabooyinka siyaasadeed ee uu ku dhawaaqi karo madaxweynaha, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Puntland iyo Jubbaland ay ka wada hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mowqif mideysan oo ku saabsan doorashooyinka federaalka.
Deni ayaa dhowaan dib ugu laabtay magaalada Garoowe, kaddib safar dibadeed oo qaatay 41 maalmood, kaas oo la sheegay inuu ku tegay Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Kenya.
Khudbadda madaxweynaha ayaa ku soo beegmaysa xilli ay taagan yihiin khilaafaad la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, muddo-xileedyada hay’adaha federaalka iyo hannaanka loo wajahayo doorashooyinka soo socda.
Ilaa hadda, lama xaqiijin go’aanno gaar ah oo uu Deni maanta ku dhawaaqi doono, balse khudbaddiisa ayaa la filayaa inay iftiimiso mowqifka Puntland ee xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.


