Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargalin howlaha Baarlamaanka, waafajinta xeer-hoosaadyada labada Aqal ee Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo isku-duwidda howlaha sharci-dejinta iyo waafaqsanaanta habraacyada Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale, Guddoonka labada Aqal ayaa ka wada hadlay dhismaha Guddiga Adeegga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhammaystirka xisaab-xirka miisaaniyadeed ee sannadka 2025, si loo guda galo akhrinta koowaad.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, ahna Xoghayaha Guud ee ku-xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

Donald Trump oo u jawaabay Obama si adagna u weeraray

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles