RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Cabdilcasiis.

Xamza waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Jeddah, Amiir Saud bin Cabdullaah bin Jalawi, iyo mas’uuliyiin kale oo Sacuudiyaan ah, sida ay baahisay warbaahinta Arab news oo soo xiganaysa Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya iyo Sacuudigu doonayaan inay sii xoojiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Dowladda Sacuudiga ayaa mar kale caddeysay taageeradeeda madaxbannaanida Soomaaliya iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyadoo diidmo ka muujisay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Labada dal ayaa sidoo kale iska kaashanaya sugidda amniga marin-biyoodka caalamiga ah iyo ilaalinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta, kuwaas oo muhiim u ah ganacsiga iyo xasilloonida gobolka.

Warbixinta Arab News iyo SPA faahfaahin kama bixin kulamada uu Xamza la yeelan doono madaxda Sacuudiga, ajandaha rasmiga ah ee booqashadiisa ama muddada uu dalkaas ku sugnaan doono.

Booqashadan ayaa imanaysa iyadoo amniga marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya, ay ka mid yihiin arrimaha muhiimka ah ee xiriirka gobolka.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

Donald Trump oo u jawaabay Obama si adagna u weeraray

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles