Aqalka Sare oo Ansixiyay Xubnaha Guddigga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul aadanaha

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, kadib markii ay u codeeyeen 28 xubnood oo ka mid ah 54-ta senotor.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo hormarinta xuquuql Insaanka dowladda FS Khadija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa ansixinta ka hor faahfaahin ka bixisay muhiimadda guddiga iyo doorkiisa ilaalinta xuquuqda iyo la xisaabintanka hay’adaha dawladda, iyadoo muujisay kalsooni ku aadan in guddigu “si buuxda u fulin doono waajibaadkiisa la xisaabintanka hay’adaha dowladda.”

Ansixinta guddiga oo maanta la dhaariyay ayaa yimid ,ka dib markii go’aan taariikhi ah oo ay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ku ansixiyay 7 Oktoobar 2025, kaas oo siinaya Soomaaliya awood buuxda oo madaxbannaan oo ku saabsan xuquuqda aadanaha.

Bishii la soo dhaafay ee 11 Oktoobar 2025, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ansixiyay dhismaha Guddiga Qaranka ee Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha.
Guddigu wuxuu ka kooban yahay sagaal xubnood, kuwaas oo dooran doona guddoomiye ka mid ah xubnaha:
Farxaam Maxamed Jimcaale
Axmed Sheekh Xamsa Abshir
Cali Maxamed Cilmi
Dr Cumar Cabdullaahi Calasoow
Drs Maryam Qaasim Axmed
Fadumo Cabdiqani Yuusuf
Maxamed Cusmaan Maxamuud
Maxamed Haaruun Maxamuud
Maymuun Sheekh Cumar

Guulaha isdaba-jooga ah ayaa muujinaya horumarka Soomaaliya ku samaynayso dhismaha dowladnimo ,gaar ahaan nidaamka xuquuq aadanaha ee madax-bannaan iyo xoojinta doorkiisa caalamiga ah.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles