Askar cusub oo ka mid noqday ciidamada xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen Sahal Cabdulahi Cumar oo uu wehliyo Taliyaha Howlgalka Turksom Gen Sabhadiin Kalkaan ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ugu qeyb galay Munaasabada dhaarinta Guutada 33’aad ee Kumaandooska GorGor.

Munaasabaddan oo aheyd mid muhiim u ah horumarinta iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Gen Sahal Cabdulahi Cumar Taliyaha Ciidanka dhulka XDS ayaa Ciidamada la dhaariyay kula dardaarmay Ka dhabeynta dhaarta ey Maanta mareen.

Dhanka kale Taliyaha ayaa Ciidamada cusub kula dardaarmay in ay si dhab ah uga faa’iideystaan tababarka, isagoo ku booriyay in ay noqdaan kuwo leh anshax, karti iyo daacadnimo, si ay uga qeyb qaataan difaaca iyo xasilloonida dalka.

Gen Sabhadiin Kalkaan Taliyaha Hawgalka Turksom ayaa dhankiisa Ciidamada kula dardaarmay in ay ka soo faa’iidaystaan Tababarka ay u aadayaan Dalka Turkiga.

Ciidamadan cusub ee ku soo biiraya Ciidanka Xoogga dalka ayaa qeyb ka noqonaya difaaca Dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles