Tuesday, December 23, 2025

Baarlamaanka oo Ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka 2026 iyo xildhibaano ka horyimid

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya (BJFS) ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, iyagoo si rasmi ah u ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026.

Miisaaniyadda la ansixiyey ayaa gaareysa $1,386,807,242 (hal bilyan, saddex boqol iyo sideetan milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol, afartan iyo laba dollar).

Sida lagu shaaciyey natiijada codbixinta, 174 xildhibaan ayaa ogolaaday miisaaniyadda, afar xildhibaan ayaa ka codeeyay diidmo, halka hal xildhibaan uu ka aamusay, waxaana sidaasi warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Si kastaba ha ahaatee, ansixinta miisaaniyadda kadib ayaa waxaa durba ka dhashay muran iyo ismaandhaaf, iyadoo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay si cad uga horyimaadeen hanaanka loo maray ansixinta.

Xildhibaan Faa’isa Jeyte, oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradsan miisaaniyadda, ayaa si adag u dhaliishay ansixinta, waxayna sheegtay in ay jireen xildhibaano aan kulanka joogin balse lagu daray tirada ogolaatay miisaaniyadda.

“Xildhibaana aan joogin ayaa la dhahay way ansixiyeen, waxba kama jiraan. Deyn ma qaadan karto dowladdaan,” ayay tiri Xildhibaan Faa’isa Jeyte.

Hadalkan ayaa muujinaya walaac ku saabsan daahfurnaanta codbixinta iyo sidoo kale arrimaha la xiriira qaadashada deymo cusub oo ay dowladdu qorsheyneyso, kuwaas oo ay qaar ka mid ah xildhibaanadu si weyn uga soo horjeedaan.

WARARKII KALE

Qaramada Midoobay: Malaayiin Soomaali ah ayaa la dhibaataysan abaaro baahsan

In ka badan 4.6 milyan oo qof oo ku...

Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Gaalkacyo

Magaalada Galkacyo ayaa xalay waxaa ka dhacay dhacdo murugo...

Farmaajo oo ka digay muddo kororsi, doorasho hal dhinac ah iyo eedeyn uu jeediyay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal...

Booliska oo qabtay askar hubeysan oo hub ku dhex watay caasimada Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda, Saldhigga Bartamaha,...

Trump oo xilalka safiirnimo ka qaaday ku dhawaad 30 dublamaasiyiin ah oo uu jiro safiirka Soomaaliya

Maamulka Trump ayaa dib ugu yeeraya ku dhawaad ​​30...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles