Sunday, April 5, 2026

Baarlamaanka oo maanta dood ka yeeshay Dastuurka

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad ee wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay xildhibaannadu kaga doodayaan wax-ka-beddel lagu sameynayo Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka.

Doodda kulanka ayaa si gaar ah diiradda u saareysa qodobbada la xiriira awoodaha Labada Gole iyo habraaca sharci-dejinta Baarlamaanka, iyadoo la falanqeynayo sida loo waafajin karo nidaamka dastuuriga ah iyo hannaanka shaqo ee hay’adaha sharci-dejinta.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhameystirayo dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka Dastuurka, si loo helo hannaan sharci oo sugan, hufan, kana tarjumaya baahiyaha dowladnimada iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la Qaatay Gogaanka Guud Ee Dhaqanka Koofur galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Lafta gareen

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah...

Olole iyo kulamo siyaasadeed oo xoogan oo ka socda Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa haatan noqotay...

Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo qeylo dhaan u diray Beesha Caalamka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles