DFS oo sheegtay in xubno ka tirsan AS lagu dilay Hiiraan

Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa fiidnimadii caawa hawlgal qorsheysan ka fuliyey inta u dhexeysa deegaannada Yasooman iyo Moqokori ee gobolka Hiiraan, kadib markii la helay xog sirdoon oo muujinaysay dhaqdhaqaaqyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Hawlgalka ayaa lagu beegsaday koox maleeshiyaad ah oo isku dayeysay inay dhibaato u geysato shacabka iyo gaadiidka maraya waddooyinka deegaanka.

Sida ay sheegeen saraakiil amni, ciidamada ayaa gubay gaari ay maleeshiyaadku adeegsanayeen, waxaana halkaasi lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda.

Saraakiisha ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay si joogto ah ugu kala gudbaan dhulka miyiga ah iyo tuulooyinka ku teedsan waddooyinka isku xira Yasooman, Moqokori iyo deegaanada kale ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha milatariga ayaa sheegay in hawlgalladan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu sugayo amniga, laguna joojinayo weerarrada ay maleeshiyaadku ku qaadaan dadka safarka ah iyo gaadiidka ganacsiga.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kordhiyeen cadaadiska ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga guud ee gobolka Hiiraan iyo deegaanada ku dhow.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles