Sunday, April 5, 2026

Baarlamaanka Soomaaliya oo sii wadaya doodda wax ka beddelka Dastuurka

Xildhibaanada muxaafadka ah ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sii wada ka doodista wax ka beddelka lagu sameynayo Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee dalka, iyada oo doodahaasi ay qeyb ka yihiin geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, xilli Muqdisho ay ku sugan yihiin madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland.

Xiildhibaanada taageersan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si gaar ah uga dooday Cutubka Afaraad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, iyagoo falanqeeyay wax ka beddel kooban oo la xiriira qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad. Dood dheer kaddib, xildhibaanadu waxay si rasmi ah u soo gabagabeeyeen doodda Cutubka 4-aad, waxaa ayna sii wadeen ka doodista cutubka 5-aad ee wax ka badelka Dastuurka oo muran xooggan uu ka taagan yahay.

Dhanka kale, xildhibaanada mucaaradka ah ayaa si cad uga soo horjeestay habka uu guddoonka labada gole u wado wax ka beddelka dastuurka, iyaga oo ku tilmaamay mid aan loo dhammeystirin wada-tashi siyaasadeed.

Waxaa sidoo kale jira xildhibaano ganaaxan oo si weyn uga digay sii socoshada wax ka beddelka lagu sameynayo qodobada Dastuurka Ku-meelgaarka ah, iyaga oo sheegay in qodobadaasi ay yihiin kuwo u baahan heshiis qaran iyo aragti mideysan, ka hor inta aan wax isbeddel ah lagu samayn.

Doodaha ka taagan wax ka beddelka dastuurka ayaa imaanaya xilli uu dalka wajahayo muran siyaasadeed oo la xiriira hannaanka dib-u-dhiska dowladnimada iyo mustaqbalka nidaamka federaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la Qaatay Gogaanka Guud Ee Dhaqanka Koofur galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Lafta gareen

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah...

Olole iyo kulamo siyaasadeed oo xoogan oo ka socda Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa haatan noqotay...

Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo qeylo dhaan u diray Beesha Caalamka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles