Kulamo siyaasadeed oo xalay ka dhacay Muqidsho

Kulamo siyaasadeed oo kala duwan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay wadeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda, xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, uu xalay booqasho guri ku tagay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay tallaabooyinka mar kale lagu hor istaagay kulan mucaaradku ku yeelan lahaayeen gudaha Xerada Xalane.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulanka, xogaha la helayo waxay tilmaamayaan in la isla gartay in laamaha amniga aysan caqabad ku noqon qabsoomidda kulamada siyaasadeed, halka mucaaradkuna ay Agaasimaha NISA ugu baaqeen in la yareeyo ilaalada hubaysan si aan qalqal amni loogu abuurin magaalada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Wararka ka imanaya Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegaya in kulanka uu ku koobnaa salaan iyo booqasho, iyadoo aan la shaacin ajande rasmi ah.

Sidoo kale, wasiirradii iyo xubnihii la socday Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay inay bannaanka joog ka ahaayeen kulanka, mana jirin muuqaal ama sawirro si rasmi ah looga baahiyay.

Kulamadan ayaa imaanaya xilli ay socdaan dadaallo siyaasadeed iyo is-faham la xiriira kulamada mucaaradka iyo xaaladda amniga caasimadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles