Kulamo siyaasadeed oo xalay ka dhacay Muqidsho

Kulamo siyaasadeed oo kala duwan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay wadeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda, xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, uu xalay booqasho guri ku tagay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay tallaabooyinka mar kale lagu hor istaagay kulan mucaaradku ku yeelan lahaayeen gudaha Xerada Xalane.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulanka, xogaha la helayo waxay tilmaamayaan in la isla gartay in laamaha amniga aysan caqabad ku noqon qabsoomidda kulamada siyaasadeed, halka mucaaradkuna ay Agaasimaha NISA ugu baaqeen in la yareeyo ilaalada hubaysan si aan qalqal amni loogu abuurin magaalada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Wararka ka imanaya Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegaya in kulanka uu ku koobnaa salaan iyo booqasho, iyadoo aan la shaacin ajande rasmi ah.

Sidoo kale, wasiirradii iyo xubnihii la socday Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay inay bannaanka joog ka ahaayeen kulanka, mana jirin muuqaal ama sawirro si rasmi ah looga baahiyay.

Kulamadan ayaa imaanaya xilli ay socdaan dadaallo siyaasadeed iyo is-faham la xiriira kulamada mucaaradka iyo xaaladda amniga caasimadda.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles