Baarlamaanka Soomaaliya oo sii wadaya doodda wax ka beddelka Dastuurka

Xildhibaanada muxaafadka ah ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sii wada ka doodista wax ka beddelka lagu sameynayo Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee dalka, iyada oo doodahaasi ay qeyb ka yihiin geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, xilli Muqdisho ay ku sugan yihiin madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland.

Xiildhibaanada taageersan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si gaar ah uga dooday Cutubka Afaraad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, iyagoo falanqeeyay wax ka beddel kooban oo la xiriira qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad. Dood dheer kaddib, xildhibaanadu waxay si rasmi ah u soo gabagabeeyeen doodda Cutubka 4-aad, waxaa ayna sii wadeen ka doodista cutubka 5-aad ee wax ka badelka Dastuurka oo muran xooggan uu ka taagan yahay.

Dhanka kale, xildhibaanada mucaaradka ah ayaa si cad uga soo horjeestay habka uu guddoonka labada gole u wado wax ka beddelka dastuurka, iyaga oo ku tilmaamay mid aan loo dhammeystirin wada-tashi siyaasadeed.

Waxaa sidoo kale jira xildhibaano ganaaxan oo si weyn uga digay sii socoshada wax ka beddelka lagu sameynayo qodobada Dastuurka Ku-meelgaarka ah, iyaga oo sheegay in qodobadaasi ay yihiin kuwo u baahan heshiis qaran iyo aragti mideysan, ka hor inta aan wax isbeddel ah lagu samayn.

Doodaha ka taagan wax ka beddelka dastuurka ayaa imaanaya xilli uu dalka wajahayo muran siyaasadeed oo la xiriira hannaanka dib-u-dhiska dowladnimada iyo mustaqbalka nidaamka federaalka.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles