Monday, July 27, 2026

Baarlamaanka WQB oo Dalbaday in Maxkamad la Horgeeyo Maxaabiistii lagu qabtay Dagaalkii Goojacadde

Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo saaray qaraar rasmi ah oo ku baaqaya in maxkamad la horkeeno saraakiisha iyo askarta lagu qabtay dagaalkii Goojacadde ee ka dhacay duleedka Laascaanood sannadkii 2023, kuwaas oo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Qaraarka ayaa lagu sheegay in lagu ansixiyay fadhi caadi ah oo Golaha yeeshay, iyadoo lagu saleeyay waajibaadka dastuuriga ah ee ilaalinta caddaaladda, sarreynta sharciga iyo dhowrista xuquuqda shacabka.

Goluhu wuxuu ugu baaqay xukuumadda inay si degdeg ah maxkamadaha awoodda u leh u horgeyso dhammaan dadka loo haysto dambiyada la xiriira dagaalkii Goojacadde, si dacwadahooda loogu qaado hannaan waafaqsan sharciga.

Inkastoo bayaanka uusan si toos ah u magacaabin shaqsiyaadka la maxkamadeynayo, haddana wuxuu dalbanayaa in la dedejiyo kiisaska dadka ku xiran xabsiyada maamulka ee loo haysto dambiyada ka dhanka ah Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sidoo kale, Golaha Wakiilladu wuxuu adkeeyay in dacwadaha loo maro hannaan hufan oo caddaalad ah, isla markaana la dhowro dhammaan xuquuqaha uu sharcigu siinayo eedeysanayaasha inta uu socdo geeddi-socodka garsoorka.

Saraakiil iyo askar ka tirsan Somaliland ayaa lagu qabtay dagaalkii Goojacadde ee dhacay sannadkii 2023, waxaana tan iyo xilligaas ku xirnaa xabsiyada maamulka Waqooyi Bari. Qaraarkan ayaa noqonaya tallaabadii ugu horreysay ee rasmi ah oo Golaha Wakiilladu ku dalbado in kiisaskooda loo gudbiyo maxkamadaha.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo Fariin Culus u diray dalalka Ciidamada ka Jooga Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan...

Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka...

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya Kadib Wasiirro laga hor Istaagay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u...

Iran oo hanjabaad u dirtay Ukraine

Ebrahim Azizi, madaxa Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan,...

Weerarada Xuutiyiinta oo saameyn ku yeeshay ganacsiga Maraakiibta

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in, sida ku...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles