Beesha Caalamka oo kordhisay taageeradeeda ku aadan shirka uu ku baaqay MW Xasan Sheekh

Waxaa isa soo taraya baaqyada iyo taageerada ay xubnaha Beesha Caalamka u muujinayaan shirka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo uu ku casuumay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed si loo helo wadahadal qaran oo xal loogu raadiyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u taageertay baaqan, iyadoo ku baaqday in la qabto wadahadal mideeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, si loo xalliyo ismariwaaga siyaasadeed ee jira.

War-saxaafadeed uu soo saaray Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King, ayaa lagu sheegay in dowladda Ingiriisku ay soo dhoweyneyso casuumaadda Madaxweynaha u fidiyay siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si xal waara looga gaaro arrimaha muhiimka ah ee horyaalla dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo dastuurka.

Safiirka ayaa xusay in xilligan muhiimka ah ay wada-hadalladu yihiin dariiqa ugu habboon ee lagu xallin karo caqabadaha jira, laguna xoojin karo xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Ingiriisku uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada dib u heshiisiinta iyo dhismaha dowladnimo.

Dhanka kale, xubnaha kale ee Beesha Caalamka ayaa iyaguna sii kordhinaya baaqyada ku aaddan in xal Soomaaliyeed lagu dhameeyo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, iyagoo ku boorinaya dhammaan dhinacyada inay ka faa’iideystaan fursadda wadahadalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin kala duwan sida madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore iyo xubno kale oo mucaarad ah, iyo sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ka qeyb galka shirka la qorsheeyay 10-ka May, ama inay diideen casuumaadda.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles