Beesha Caalamka oo kordhisay taageeradeeda ku aadan shirka uu ku baaqay MW Xasan Sheekh

Waxaa isa soo taraya baaqyada iyo taageerada ay xubnaha Beesha Caalamka u muujinayaan shirka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo uu ku casuumay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed si loo helo wadahadal qaran oo xal loogu raadiyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u taageertay baaqan, iyadoo ku baaqday in la qabto wadahadal mideeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, si loo xalliyo ismariwaaga siyaasadeed ee jira.

War-saxaafadeed uu soo saaray Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King, ayaa lagu sheegay in dowladda Ingiriisku ay soo dhoweyneyso casuumaadda Madaxweynaha u fidiyay siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si xal waara looga gaaro arrimaha muhiimka ah ee horyaalla dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo dastuurka.

Safiirka ayaa xusay in xilligan muhiimka ah ay wada-hadalladu yihiin dariiqa ugu habboon ee lagu xallin karo caqabadaha jira, laguna xoojin karo xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Ingiriisku uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada dib u heshiisiinta iyo dhismaha dowladnimo.

Dhanka kale, xubnaha kale ee Beesha Caalamka ayaa iyaguna sii kordhinaya baaqyada ku aaddan in xal Soomaaliyeed lagu dhameeyo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, iyagoo ku boorinaya dhammaan dhinacyada inay ka faa’iideystaan fursadda wadahadalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin kala duwan sida madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore iyo xubno kale oo mucaarad ah, iyo sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ka qeyb galka shirka la qorsheeyay 10-ka May, ama inay diideen casuumaadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles