Beesha Caalamka oo la sheegay in ay soo Gabagabeysay Wadatashiyada ku saabsan Doorashada Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in daneeyayaasha beesha caalamka ay gabagabeynayaan wada-tashiyo ay toddobaadyadii lasoo dhaafay la yeesheen siyaasiyiinta Soomaaliya ee doonaya inay u tartamaan xilka madaxtinimada dalka.

Wadatashiyada ayaa waxaa ka qeyb galay siyaasiyiin ka kala tirsan dowladda iyo mucaaradka, iyadoo diiradda lagu saaray aragtida dhinacyada siyaasadda iyo shuruudaha ay u arkaan in doorasho lagu kalsoonaan karo ay Soomaaliya ka dhacdo.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in daneeyayaasha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha ay hadda ku jiraan marxaladdii ugu dambeysay ee diyaarinta qabyo-qoraalka heshiis siyaasadeed oo la doonayo in dhinacyada Soomaalida ay ku mideysnaadaan.

Sida xogaha la helayo, heshiiska ayaa la filayaa in lagu saxiixo magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane, waxaana qayb ka noqon kara madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu diiradda saaro sidii loo heli lahaa is-afgarad siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashada, waqtigeeda iyo qaabka loo xaqiijin karo in doorashadu noqoto mid ay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ku wada qanacsan yihiin.

Wadahadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahday marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dowladda Federaalka iyo mucaaradka ay weli isku khilaafsan yihiin qaabka iyo waqtiga doorashada dalka.

Haddii heshiiskan la gaaro, waxaa uu noqon karaa tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed, laguna abuuro jawi ay dhinacyada kala duwan uga wada shaqeeyaan doorasho heshiis lagu yahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles