Friday, February 13, 2026

Booliska Kenya oo xiray Nasir Cige iyo eedeynta loo haysto

Qoraal kasoo baxay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in Nin 37 jir ah oo heysta labada dhalasho ee Soomaaliya iyo Australia lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta isagoo loo heysto denbiyo la xiriira wax is daba marin.

Cige Naasir ayaa lagu qabtay Terminal 1A, isagoo ka yimid Australia, soona maray magaalada Johannesburg, wuxuuna saarnaa diyaaradda Kenya Airways ah.

Booliska Kenya wuxuu sheegay inay dabagal ku hayeen ninkan oo ku calaamadeysanaa digniin la xiriirta xakamaynta socdaalkiisa, taasoo la soo saaray 30-kii Janaayo 2026, iyadoo lala xiriiriyay kiis ah inuu lacago badan ku helay si been abuur ah.

Markii lagu baaray Saldhigga Booliska ee JKIA, waxaa loo wareejiyay saraakiisha DCI si loo sameeyo baaritaanno dheeraad ah, iyadoo ay weli socdaan baaritaanada lagu hayo.

Naasir Cige ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu gacanta ugu jiro Booliska Kenya ee la dagaalama argagixisada, wuxuuna xarigiisa ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo gaaray Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo...

Maxay ka wadahadleen wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa Kulmay...

Kenya oo dib u furaysa xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya

Kenya ayaa dib u furi doonta xuduuddeeda ay la...

RW Xamsa oo xalay la kulmay madaxda Mucaaradka ee la celiyay xerada Xalane

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay...

Madax ka tirsan Mucaaradka oo la celiyay inay galaan Xerada Xalane

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaarihii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles