RW Xamsa oo xalay la kulmay madaxda Mucaaradka ee la celiyay xerada Xalane

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay si gooni gooni ah guryahooda ugu booqday madaxweynihii hore  ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka  Maxamed Xuseen Rooble.

R/wasaare Xamse iyo madaxdii hore ee dalka ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha gogosha wada hadalka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in gogosha dowladda ay markasta fidsantahay, albaabka madaxdana uu furanyahay, muhiimna tahay in dhinacyada lagala fariisto xal-u-halista arrimaha taagan.

Kulankii ay qaateen Ra’iisul Wasaare Xamse iyo madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre oo xubin ka ah Golaha Mustaqbalka.

Kulamadan ayaa waxaa ay ka dambeeyeen , kadib markii Golaha Mustaqbalka ay sheegeen in xarunta Xalane gaar ahaan hotel Airport laga celiyay madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo RW hore  Maxamed Xuseen Rooble oo ka qaybgeli lahaa kulan ay yeelan lahaayeen Madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda sheegtay in qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka ay ku xadgudbeen nidaamka sugidda amniga garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles