RW Xamsa oo xalay la kulmay madaxda Mucaaradka ee la celiyay xerada Xalane

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay si gooni gooni ah guryahooda ugu booqday madaxweynihii hore  ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka  Maxamed Xuseen Rooble.

R/wasaare Xamse iyo madaxdii hore ee dalka ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha gogosha wada hadalka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in gogosha dowladda ay markasta fidsantahay, albaabka madaxdana uu furanyahay, muhiimna tahay in dhinacyada lagala fariisto xal-u-halista arrimaha taagan.

Kulankii ay qaateen Ra’iisul Wasaare Xamse iyo madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre oo xubin ka ah Golaha Mustaqbalka.

Kulamadan ayaa waxaa ay ka dambeeyeen , kadib markii Golaha Mustaqbalka ay sheegeen in xarunta Xalane gaar ahaan hotel Airport laga celiyay madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo RW hore  Maxamed Xuseen Rooble oo ka qaybgeli lahaa kulan ay yeelan lahaayeen Madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda sheegtay in qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka ay ku xadgudbeen nidaamka sugidda amniga garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles