Tuesday, March 3, 2026

Booliska Muqdisho oo digniin u diray dhalinyarada halis geliya garoomada Kubada Cagta

War ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska gaar ahaan kuwa saldhigga degmada Warta-Nabadda ay gacanta ku soo dhigeen toddobo dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku kaceen falal halis gelinayay naftooda iyo tan bulshada.

Magacyada dhalinyarada la soo qabtay ayaa lagu sheegay:

Khatar Ibraahim Xasan

Daahir Maxamuud Xasan

Cabdullaahi Maxamed Xasan

Maxamed Cabdiraxmaan Barre

Xuseen Mukhtaar Axmed

Sakariye Cabdullaahi Cumar

Axmed Cusmaan Maxamed

Booliska ayaa sheegay in dhalinyaradan ay isku dayeen in ay amni darro ka abuuraan garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay digniin adag u direen dhalinyarada kale ee ku hawlan falalka noocan oo kale ah, iyagoo ku booriyay inaysan garoomada iyo goobaha bulshada la soo gelin wax kasta oo dhaawac u horseedi kara naftooda ama bulshada.

Booliska ayaa xusay in tooreyda, sakiimaha iyo hub kasta oo khatar ah laga mamnuucay garoomada iyo goobaha dadweynaha, isla markaana qof kasta oo lagu qabto isagoo ku kacaya fal amni darro ah laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Taliska Booliska ayaa sheegay in la adkeeyay howlaha sugidda amniga, isla markaana la qaaday tallaabooyin looga hortagayo dhalinyarada isku dayda inay caasimadda Muqdisho ka abuuraan falal khatar gelin kara nabadgelyada guud iyo amniga bulshada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles