Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Boqor Cabdalla binu Al-Xuseen, Boqorka Urdun iyo Sheekh Tamiim binu Xamad, Amiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar.

Hoggaamiyeyaashu waxa ay ka wadahadaleen xaaladda gobolka, xiisadaha iyo iskahorimaadyada milatari ee Bariga Dhexe, iyagoo muujiyey muhiimadda ay leedahay dejinta xaaladda, yareynta xiisadaha iyo xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey mowqifka adag ee Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga Dowladda Qatar iyo Boqortooyada Urdun oo dowladda Iiraan kala kulmay duqeymo gardarro ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey mowqifka carbeed ee mideysan, isagoo muujiyey in weerar kasta oo lagu qaado dhulka dalalkaas walaalaha ah uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, caqabadna ku noqonaya nabadda iyo xasilloonida mandiqadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles