Sunday, March 8, 2026

Booliska Muqdisho oo sheegay in la soo qabtay haweenay ku eedeysan dilka ninkeeda

Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney ku eedeysan dilka ninkeeda.

Ciidamada ayaa howlgal ay ka sameeyeen gudaha xaafadaha degmada Dayniile kusoo qabtay Faadumo Maxamed Cismaan oo ah haweeneyda ku eedeysan inay dishay Ninkeedii.

Marxuumka la sheegay iney dishay xaaskiisa ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Maxamed Nuur, kaasoo la tilmaamay inuu dhintay dhaawac culus oo kasoo gaaray toorey ay ku dhufatay xaaskiisa, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir lagu sheegay in laamaha amaanka ay wali wadaan baaritaan la xariira sababaha rasmiga ah ee keenay dilkan, islamarkaana haweeneyda la horkeeni doono Maxkamadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka Madaxda Bariga Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

RW Xamsa oo xariga ka jaray xarunta ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah...

Masar iyo Mareykanka oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika

Sida ay baahisay Egypt today wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles