Booliska Muqdisho oo sheegay in la soo qabtay haweenay ku eedeysan dilka ninkeeda

Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney ku eedeysan dilka ninkeeda.

Ciidamada ayaa howlgal ay ka sameeyeen gudaha xaafadaha degmada Dayniile kusoo qabtay Faadumo Maxamed Cismaan oo ah haweeneyda ku eedeysan inay dishay Ninkeedii.

Marxuumka la sheegay iney dishay xaaskiisa ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Maxamed Nuur, kaasoo la tilmaamay inuu dhintay dhaawac culus oo kasoo gaaray toorey ay ku dhufatay xaaskiisa, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir lagu sheegay in laamaha amaanka ay wali wadaan baaritaan la xariira sababaha rasmiga ah ee keenay dilkan, islamarkaana haweeneyda la horkeeni doono Maxkamadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan...

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles