Monday, July 27, 2026

Booliska Puntland Oo Digniin Culus Ka Soo Saaray Khatarta Roobka Gu’ga iyo Waddooyinka Gobolka

Ciidanka Booliska Puntland ayaa shacabka uga digay khataraha ka dhalan kara roobabka Gu’ga ee ka curtay deegaannada Puntland, iyagoo si gaar ah uga digay safarrada lagu maro waddooyinka waaweyn ee ay ku yaallaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saareen Laanta Ilaalada Waddooyinka ee Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in biyaha roobku ay halis ku yihiin badbaadada darawallada, rakaabka iyo hantida, iyadoo shacabka lagu booriyay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah inta lagu jiro xilliga roobabka.

Booliska Puntland ayaa darawallada ku adkeeyay inay ka fogaadaan isku dayga ka gudubka togagga iyo buundooyinka ay biyuhu qariyeen ama ka buuxaan, maadaama ay keeni karaan shilal iyo khasaaro naf iyo maalba leh.

Sidoo kale, dadka ku nool meelaha u dhow togagga iyo biyo-mareennada ayaa lagu wargeliyay inay si dhow ula socdaan xaaladda biyaha, isla markaana ay ilaaliyaan carruurta, waayeelka iyo xoolaha si looga hortago dhibaatooyin ka dhasha fatahaadaha.

Booliska Puntland ayaa ugu dambeyn shacabka ugu baaqay inay si buuxda u raacaan tilmaamaha ciidamada ammaanka ee ku sugan waddooyinka, si loo xaqiijiyo badbaadada guud ee bulshada inta lagu jiro xilliga roobabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Yahuudda la dajiyay Daanta Galbeed ayaa gubay masaajidyo, gawaari iyo beero

Saraakiil Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in Yahuudda la deegaameeyayay...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen daroon lagu sameeyay Turkiga oo Sacuudigu isticmaalayay

Yahya Saree, oo ah afhayeenka xoogaga Xuutiyiinta Yemen, ayaa...

Iran iyo Maraykanka oo sheegay ‘in ay dib u bilaabayaan wadahadalada

Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo...

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles